Friday, August 28, 2026

Maxamed Mursal oo iskacasilay gudoomiye kuxigeenka xisbiga Horumar iyo Midnimo Qaran

Share

Muqdisho Soomaaliya- Gudoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa qoraal uu bartiisa Facebook ga kudaabacay kusheegay inuu iskacasilay xilka gudoomiye kuxigeenka xisbiga Horumar iyo Midnimo Qaran, isagoo kusababeeyay inuu doonayo inuu u madax banaanaado aragtidiisa gaarka ah

Gudoomiyihii hore Maxamed Maxamed Mursal ayaa dhawaanahaan samaynayay isbadalo siyaasadeed isagoo kamid noqday tiro siyaasiyiin ah oo kafurtay madasha samatabixinta oo ay kumidaysnaayeen siyaasiyiin horay xilal kala duwan usoo qabtay isla markaasna ahaa mucaarad kasoo horjeeda hanaanka ay dowladda Soomaaliya ee dalka kajirta u maaraynayso xaaladaha siyaasadeed ee dalka kajira, isagoo kubiiray siyaasiin mucaarad ah oo heshiis lagalay dowladda Soomaaliya

Gudoomiye Mursal ayaa dhawaan Magaaladda Nairobi ee dalka Kenya kula heshiiyay Madaxweynaha maamulka Koofurgalbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, iscasilaada Mursal ee xisbigaan ayaa imaanaysa iyadoo uu horay kaga guuray dhowr madal siyaasadeed, dhawaan waraysi uu siiyay Arlaadi Media ayuu kaga hadlay khilaafka siyaasadeed ee kala dhexeeyay madaxweynaha Koofurgalbeed iyo marxalada siyaasadeed ee uu dalku marayo.

Warqada iscasilaada Maxamed Mursal
Warqada iscasilaada Maxamed Mursal

Read more

Local News