Muqdisho Soomaaliya- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta soo xiray Shirweynaha Labaad ee Aqoonsiga Qaranka (SNIDC2025), oo muddo laba maalmood ah ka socday Caasimadda Muqdisho, isaga oo ammaanay shaqada Hay’adda Aqoonsiga Qaran ee NIRA, muwaadiniinta Soomaaliyeed ee isdiiwaan-galiyay, talo-soojeedinta khubarada iyo horumarinta Aqoonsiga Dijitaalka.
Madaxweynaha ayaa xusay in shirkan qaran uu muujinayo sida Dowladda Federaalka Soomaaliya ay uga go’an tahay dhammaystirka hirgalinta nidaam Aqoonsi Qaran oo mideysan, casri ah, ammaan ah, kaas oo tiir muhiima u’ah dowladnimada, amniga iyo horumarinta adeegyada bulshada, waxa uuna adkeeyay in go’aannada shirkan lagu xoojiyo qorshaha qaran ee dhismaha adeegyo dowladeed oo ku saleysan tiknoolojiyadda casriga ah.
“Dalkaan Soomaaliya ayaa la dhahaa waxaana leh Muwaadiniinta Soomaaliyeed, Muwaadin qaado Kaarka aqoonsiga NIRA, maanta waa fudud yahay, waxaa imaan doonta xilli la’aantiisa noloshu istaagi doonto, aan la jaan qaadno dunidan casriga ah, Dalkaan 35 sano kahor halkuu joogay ma sii joogayo, dastuur, doorasho iyo qof iyo cod ah, waa inaan ku dhaqannaa qawaaniinta caalamiga ah, una noolaanaa sida adduunyada kale looga nool yahay”.
Ugu dambayn Madaxweynaha ayaa ku booriyay dhammaan hay’adaha dowladda in ay si wadajir ah u fuliyaan qorshayaasha iyo tallooyinka wax ku oolka ah ee laga soo saaray Shirwaynaha labaad ee Aqoonsiga Qaranka, si loo dhammaystiro in shacabka Soomaaliyeed oo idil ay helaan Aqoonsiga Qaranka, lana xoojiyo kalsoonida ay ku qabaan dowladnimada iyo dalka.

