Thursday, August 27, 2026

Mudanayaasha Golaha Shacabka Oo Ka dooday Heshiiska Asaasida Ciidanka Heeganka Ee Bariga Afrika

Share

Muqdisho Soomaaliya- Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kalfadhiga todobaad kulankiisa 15-aad, oo uu shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe).

Kulanka oo ku furmay 140 Xildhibaan, ayaa ajendihiisu ahaa akhrinta labaad ee Heshiiska Aas-aasida Ciidanka Heeganka ah ee Bariga Afrika oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Difaaca Dalka, kaasoo hore akhrinta koowaad usoo maray islamarkaana uu kasoo shaqeeyey Guddiga Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah oo kaashanaya Guddiga Difaaca.
Intaasi ka dib Xildhibaanadda Golaha Shacabka ayaa ka dooday qodobada heshiiska, iyagoo su’aalo ku saabsan muhiimada iyo ahmiyadda uu dalka u leeyahay heshiiska weydiiyay, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhiga oo kulanka joogay.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya  Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulanka soo xiray ayaa faray guddiyada ku shaqada leh heshiiskan in ay soo diyaariyaan akhrinta sedaxaad ee heshiiskan islamarkaana dib ugu soo celiyaan golaha si cod loogu qaado.
Ugu dambayn Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa loo qaybiyay akhrinta labaad ee Hindise Sharciyeedka Daawada.

Read more

Local News