Thursday, August 27, 2026

Madaxweynaha Koonfurgalbeed Oo Iska Casilay Kuxigeenka Xisbiga JSP Ee Madaxweyne Xasan Sheekh

Share

Baydhabo, Soomaaliya –  Madaxweynaha Koonfurgalbeed Cabdicasiis Xasan Laftagareen ayaa iska casilay xilkii uukahayay xisbiga Cadaaladda iyo Wadajirka JSP.

Iscasilaada Madaxweyne Laftagareen ayaa imaaneysa maalin kadib markii dowladgoboleedka Koonfurgalbeed ay kudhawaaqday inay xiriirka ujartay dowlada federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Koonfurgalbeed Cabdicasiis Xasan Laftagareen ayaa galinkii dambe ee shalay gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta dowladgoboleedka Koonfurgalbeed, halkaasoo uu safar kaaga soo laabtay dalka Sacuudiga oouu utagay cimro.

Todobaadyadii udambeeyay waxaa soo xoogeysanayay khilaafka udhexeeya maamulka Koonfurgalbeed iyo dowladda federaalka Soomaaliya, maamulka Koonfurgalbeed Ayaan kahadkin waxkabadalka dastuurka oo baarlamaanka Soomaaliya meel mariyeen horaantii bishan March sidoo kalana uu madaxweynuhu saxiixay dhamaystirka cutubyadii kaharsanaa dastuurka cusub isagoo ay garbihiisa kamuuqdaan gudoonka labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya.

Koonfurgalbeed Ayaan dirin haba yaraatee wax hambalyo ah oo ku aadan dastuurka cusub halka maamullada Waqooyi Bari iyo Hirshabeele hambalyeeyeen ansixinta waxkabadalka dastuurka.

Madaxweynaha Koonfurgalbeed ayaa ahaa gudoomiye kuxigeenka amniga iyo dowladgoboleedyada xisbiga Cadaaladda iyo Wadajirka ee JSP kaas oo lagu dhawaaqay horaantii May sanadkii hore 2025 ka, Laftagareen ayaana si rasmi ah isaga casilay xilka uu kahayay xisbiga kagadaal markii uu xumaaday xiriirka Maamulka Koonfurgalbeed iyo dowladda Dhexe.

Read more

Local News